Libaax-badeed sababay in la xiro xeebaha Masar

0
195

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Masar ayaa xirtay qaar kamid ah xeebaha loo dalxiis tego kadib markii libaax badeed uu labo qof ku dilay xeebaha dalkaas.

Labo haween ayuu libaax badeedka ku weeraray xeebaha Badda Cas xilli ay dabbaalanayeen.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in haweeney kasoo jeeday dalka Austria ay u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dhacdada.

Sidoo kale libaax badeedka wuxuu dilay haweeney u dhalatay Romania oo ku sugneyd xeebaha Masar.

Waxay dhibaatadan ka dhacday xeebaha gobolka Hurghada halkaas oo ay ku badan yihiin dalxiisayaasha tega Masar.