Libaax gabar yar ku dilay Kenya.

0
42

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Libaax ayaa gabar 14 jir ah ku dilay duleedka Nairobi, sida ay sheegtay Waaxda Duurjoogta Kenya ee KWS.

Gabadhan ayuu libaaxu kala baxay xaafad u dhow beerta Qaranka ee Nairobi.

Mid ka mid ah bulshada degan xaafadda ku dhow beerta qaranka ee Nairobi ayaa hay’adda duurjoogta kenya la wadaagay xogta gabadhan kadib markii uu arkay haraaga meydkeeda taasoo aheyd oo iskuulley.

Libaaxa ayaan la helin balse waaxda duurjoogta kenya ayaa sheegtay inay dabin u dhigtay ayna koox baaritaan u dirtay si ay usoo helaan libaaxan dilay gabadhan yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here