Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Real Sociedad Oo Laga Waayey Xiddig Laf-dhabar Ah

0
117

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Barcelona ayaa safar ugu tegaysa Real Sociedad iyagoo raadinaya inay kusoo laabtaan jidka guusha, kaddib khasaarihii xanuunka badnaa ee kasoo gaadhay ciyaartii El Clasico ee ay Real Madrid kaga badisay garoonkooda.

Xavi Hernandez ayay safar ku tegaysaa gobolka Basque oo ay marti ugu noqonayaan Real Sociedad oo waqti fiican ku jirta, taas oo haysata 19 dhibcood oo ay ugu jirto kaalinta shanaad, halka Barcelona ay ka leedahay 24 dhibcood oo ay kaalinta afraad kaga jirto horyaalka Spain ee LaLiga.

Barcelona ayaa waxay ku ducaysanaysaa in ay guul gaadho sidoo kalena Axadda laga badiyo Real Madrid marka ay garoonka Santiago Bernabeu kusoo dhoweyso Rayo Vallecano, halka Girona oo ay isku dhibco yihiin Real Madrid ay foodda is-dari doonaan Osasuna.

Blaugrana ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda oo ay ku jiraan dhawr laacib oo kasoo laabtay dhaawacyo ay qaarkood waqtiyo dambe beddel ku yimaaddeen ciyaartii El Clasico, sida Raphinha, Robert Lewandowski iyo Jules Kounde, balse waxa isaguna taam noqday oo kusoo laabtay kooxda Pedri oo uu tababare Xavi xaqiijiyey in 100% uu caafimaad qabo oo uu diyaar u yahay ciyaartan.

Laakiin waxa ciyaartoyda Barcelona aan lagu soo darin Frenkie de Jong oo la sheegay in illaa dhamaadka bishan November uu maqnaanayo, taas oo ka beddelan qorshihii hore ee ahaa in uu taam u noqonayo toddobaadkan halka Sergi Roberto uu isaguna maqan yahay.

Waa kuwan liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Real Sociedad

Ter Stegen, Joao Cancelo, Balde, Araujo, Inigo Martinez, Gavi, Pedri, Ferran, Lewandowski, Raphinha, Inaki Pena, Joao Felix, Christensen, Marcos Alonso, Gundogan, Kounde, Astralaga, Lamine Yamal, Casado,