Liiska Xiddigaha Ka Dhaawacan Chelsea Inkasta Oo Uu Xilli Ciyaareedku Bilowday Todobaadkii Hore.

0
76

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Kooxda chelsea ayaa durba la daala-dhacaysa dhaawacyo inkasta oo uu xilli ciyaareedku bilowday todobaadkii hore.

7 Xiddig ayaa durba ku jira Liiska dhaawacyada iyada oo kooxdu ku dhibaatoonayso xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Carney Chukwuemeka ayaa ku dhaawacmay kulankii ay chelsea la ciyaartay West Ham kulankii Axadii.

Xiddiga Carney Chukwuemeka ayaa Liiska dhaawacyada kula biiray 6 xiddig oo kooxda ah kuwaas oo dhaawacan kuna jira qolka daawaynta.

Xiddigaha kale ee kooxda chelsea ka dhaawacan ayaa kala ah Reece James, Christopher Nkunu, Beniot Badiashile, Wesley Fofana, Armando Broja iyo Travoh Chalobah.