Lionel Messi Oo Baal-Dahab Ah Ka Galay Taariikhda Kubada Cagta.

0
56

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga kooxda Inter Miami ee Lionel Messi ayaa sii wada samaynta taariikhda inkasta oo uu aaday horyaalka maraykanka oo aan ahayn horyaal caan ah.

Messi ayaa Inter Miami ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeeyay taariikhdooda kadib markii ay garaaceen Nashile.

Xiddiga Lionel Messi ayaa dhinaciisa noqday xiddiga ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta kadib koobka uu ku hogaamiyay Inter Miami.

 

 

Xiddiga Lionel Messi ayaa ku guulaystay koobkiisii 44-aad ee xirfadiisa ciyaareed tan ilaa markii uu bilaabay ciyaarista kubada cagta.

Messi ayaa koobkii ugu horeeyay ee xirfasiisa ciyaareed ku guulaystay sanadkii 2004 halka uu koobkiisii ugu dambeeyay ku guulaystay sanadka 2014.