Lionel Messi Oo Magacaabay Ciyaaryahankii Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Kubadda Cagta

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka Inter Miami, Lionel Messi, ayaa sheegay in halyeygii geeriyooday ee Argentina, Diego Armando Maradona, uu yahay GOAT-ka (cayaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda) kubadda cagta.

Messi, oo mar walba lala barbardhigo Maradona, wuxuu sheegay in Diego uu ahaa halyeey aan kaliya lagu xusuusan doonin kubad-qurxoon, balse uu dhaqan iyo dhiirigelin u ahaa dadka Argentina iyo dunida kubadda cagta.

Messi isagoo la hadlay NBC Sports ayaa yiri:

“Annaga, Maradona wuxuu ahaa halyeyga ugu weyn, kan aan ku dayanno, iyo qof si aan xad lahayn aan u qadarinno.

In kasta oo aan yaraa oo aanan si toos ah u daawan kulamadiisii badankood, Diego wuxuu dhaafay heerka kubadda cagta. Wuxuu ahaa astaan.”

Messi wuxuu sidoo kale is-barbar dhigay Maradona iyo halyeyga kubadda koleyga Michael Jordan, isagoo tusaale u soo qaatay sida uu Jordan uga gudbay ciyaarta oo dhan, u noqdayna dhaqan caalami ah.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay inuu jecel yahay halyeeyada tennis-ka Roger Federer, Rafael Nadal, iyo Novak Djokovic, isagoo sheegay inuu ixtiraam weyn u hayo heerka tartan iyo xirfad ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here