Liverpool Oo Afar Gool Ku Derdertay Newcastle Ayaa Sii Dheeraysatay Hoggaanka Horyaalka Premier League

0
105

Baladwayne  (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa saddex dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 4-2 ku karbaashtay Newcastle United oo si adag ugula dagaallantay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa waqti dambe ka takhalustay Newcastle United oo halgan u gashay sidii ay usoo afjari lahayd musiibada ka haysata kulamada ay iska hor yimaaddaan Liverpool oo shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ee garoomada oo dhan si xun u garaacday, isla markaana ay u ahayd markii labaad ee xilli-ciyaareedkan ay ku guul-darraystaan inay iska celiyaan Reds.

Afar gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Mohamed Salah ayay Liverpool ku dardartay Newcastle United, iyadoo waliba uu rikoodhe khasaariyey xiddiga reer Masar oo ay u ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ka hor inta aanu gelin safarka uu ku tegayo Afrika.

Qaybta hore ee ciyaarta ayay Liverpool ku furtay gool qurux  badan oo uu u dhaliyey Luis Diaz daqiiqaddii 19aad, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa soo saartay in uu offside ku jiray laacibkan, sidaas ayaana lagu diiday goolka.

Laba daqiiqadood kaddib ayaa Liverpool loo dhigay rikoodhe lagu galay Luis Diaz oo kubbad uu lasoo galay xerada ganaaxa oo uu u gooyey dhawr difaac lagu jallaafeeyey goolka hortiisa, waxaana kubaddan qaatay Mohamed Salah, balse waxa ka badbaadiyey goolhaye Dubravka oo bandhig layaableh ka sameeyey ciyaartan.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan, iyadoo Newcastle gool ay madax ku dhalisay lagu qaaday offside oo iyadoo aanay ciyaartoyduba bilaabin dabbaal-degga loo sheegay inay ku jiraan offside.

Afar daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta labaad ayay Liverpool keentay goolkeeda koowaad ee ay u furatay ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Mohamed Salah oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Darwin Nunez oo ay ku dhacday nasiib-darro xun oo dersin goolal ah khasaariyey.

Kooxda martida ee Newcastle United ayaa shan daqiiqadood gudahood kaga jawaabtay goolkan, waxaana kubbad loo tuuray Alexander Isak uu ula tegay goolhaye Alisson Becker oo uu dhinaca bidix ka dhigay, sidaana uu ciyaarta kaga dhigay barbarro 1-1.

Laakiin Liverpool ayaa culays badan ku haysay goolka Newcastle United, si ay sannadka cusub ugu furato guul iyo iyadoo hoggaanka saddex dhibcood oo nadiif ku ah ku haysa.

Saddex beddel oo uu sameeyey Jurgen Klopp ayay ku liibaantay Liverpool oo saddex gool oo kale u keenay, iyadoo mar kaliya ay ciyaartoyda Reds u ekaadeen kuwo firfircoonaaday oo la moodo in ay dhamaantood hadda soo galeen garoonka.

Daqiiqaddii 74aad ayaa kubbad uu Diogo Jota dhiibay waxa shabaqa ku leexiyey Curtis Jones oo kulamadii ugu dambeeyey goolal dhalinayay, waxaana goolkani uu niyad-jab ku noqtay Newcastle oo marka horeba culays badan saarnaa.

Afar daqiiqadood kaddib ayay Liverpool keentay goolka saddexaad oo uu u dhaliyey Cody Gakpo oo kubbad uu Mohamed Salah u dhaafiyey difaacyahannada weydaariyey goolhaye Dubravka oo laf dhuungashay ku noqday weeraryahannada Liverpool oo uu kubbado badan ka badbaadiyey.

Newcastle ayaa dib usoo noolaatay oo keentay gool labaad oo soo kiciyey niyaddooda iyadoo kubbad laga qaaday dhinaca midig uu madax ku dhaliyey Botman daqiiqaddii 81aad.

Laakiin niyaddaasi ma aanay sii jirin, sababtoo ah waxa rikoodhe heshay Liverpool daqiiqaddii 85aad, iyadoo goolhaye Dubravka uu qalad ku galay Diogo Jota oo kubbad kula baxay, waxaana kubadda soo qaatay Mohamed Salah oo qaybtii hore laga qabtay rikoodhe, balse markan waxa uu dhinaca qaldan u diray goolhaye Dubravka, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday Liverpool.