Liverpool Oo Anfield Ku Xasuuqday Aston Villa, Szboszlai Oo Akoonkiisa Goolasha Furtay Iyo Reds Oo Wacdarro Dhigtay

0
100

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa fariin adag u dirtay kooxaha Premier League ka dib markii ay si raaxo leh 3-0 ku garaacday kooxda Aston Villa oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Goolal ay kala dhaliyeen Szoboszlai iyo Mohamed Salah iyo gool uu iska dhaliyay Matty Cash ayay Liverpool seddexda dhibcood uga tirsatay kooxda Aston Villa halka Darwin Nunez uu wacdarro dhigay mar kale.

Liverpool ayaa rikoodh cusub u heysa kooxaha Premier League madaama ay noqdeen kooxda kaliya ee waqtigaan aan laga badinin 15 kulan oo xiriir ah horyaalka. Ma jirto koox kale oo horyaalka ka ciyaareysa oo bilaa guuldarro ah 15kii kulan ee ugu danbeysay Premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ku soo bilaabay Darwin Nunez ka dib guushii soo laabashada aheyd ee uu ku hogaamiyay kulankii Newcastle iyadoo Cody Gakpo keyd la dhigay.

Liverpool ayaana u muuqatay mid halis ah markasta oo ay weerar soo qaadaan. Saxiixooda cusub Dominik Szoboszlai ayaa hogaanka u dhiibay bilowgii ciyaarta markii uu darbo fiican oo cajiib ah shabaqa ku hubsaday, waxayna aheyd goolkiisii ugu horeysay ee Premier League.

Reds ayaa hogaanka ciyaarta sii dheereysatay daqiiqadii 22aad markii uu Matty Cash shabaqa iska geliyay kubad uu Darwin Nunez birta ku garaacay. Weeraryahanka reer Uruguay ayaa mar kale birta garaacay isla qeybtii hore ee ciyaarta halka goolhaye Martinez uu kubad gool loo fishay ka beeniyay Mohamed Salah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Liverpool ayaa halkeeda ka sii wadatay gooldhalinta iyadoo Mohamed Salah uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 55aad. Koorno uu soo qaaday Trent Alexander-Arnold ayaa waxaa madax ku taabtay Darwin Nunez ka hor inta uusan shabaq ku taabanin Salah oo birta goolka u dhawaa.

Tababare Klopp ayaa bartamihii qeybta labaad bedelo dhowr ah sameeyay madaama ay natiijada dhinac u rideen. Halka Salah fursado kale laga beeniyay oo uu hogaanka ku sii dheereyn karay.

Reds waxaa walwal ku ah in Trent Alexander-Arnold uu dhaawac ku baxay daqiiqadii 72aad iyadoo lagu bedelay da’ yarka Quansah.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Liverpool ku xasuuqday Aston Villa.