Liverpool Oo Bar-Baro Niyd Jab leh Kala Kulantay Wolves FA Cup-ka Ayay Wada Ciyaareen.

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis ah wareega 3aad ee FA Cup ka dib markii ay barbaro 2-2 kala kulmeen kooxda Wolves oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Labo qalad uu sameeyay goolhaye Alisson ayaa ka caawisay Wolves inay shabaqa ka soo taabato Liverpool halka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ay labada gool u dhaliyeen Reds iyadoo VAR ay goolka guusha ka diiday Wolves dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in kulan ku celis ah ay labada kooxood ku dheeli doonaan garoonka Wolves taasoo dhabarjab ku ah tababare Jurgen Klopp oo kulan dheeri ah ciyaarsiinaya kooxdiisa xilli kulamada xilli ciyaareedka ay durba ciriiri yihiin.

Liverpool ayaa si qalqal ah ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Joel Matip uu halis u galay inuu kooxdiisa fursad ka dhiibo, laakiin taasi cashar kama aysan baranin iyadoo Wolves ay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26aad.

Goolhaye Alisson ayaa sameeyay qalad weyn ka dib markii baas loo soo celiyay uu isna u dhigay Guedes oo ka mahadceliyay hadiyada islamarkaana shabaqa faaruq ah toogtay.

Liverpool ayay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 45aad inay ciyaarta barbareyso, waxaana ugu danbeyn shabaqa soo taabtay Darwin Nunez kaasoo kulamadii ugu danbeeyay ay inkaar ka heysata goolka inkastoo uu helayay fursado badan oo waa weyn.

 

 

Alexander-Arnold ayaa kubad u dhigay Nunez kaasoo aan ka labalabeynin inuu shabaqa meel gees ah ka toogto, waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Bilowgii qeybta labaad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii ugu horeysay iyadoo Cody Gakpo oo ciyaaray kulankiisii ugu horeysay uu kubad u qaaday Mohamed Salah laakiin daafaca Wolves ayaa kubada difaacan waayay taasoo keentay in Salah uu ka faa’ideysto oo uu shabaqa ku shubo.

Wolves ayaase ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii daqiiqadii 67aad  iyadoo mar kale uu qalad sameeyay goolhaye Alisson oo habeen fiican aysan u aheyn. Kubad uu Cunha soo dhigay ayay Liverpool iska bixin weysay waxaana taabtay Hwang iyadoo Alisson ay si sahlan uga hoos baxday.

Daqiiqadii 82aad Toti ayaa mooday inuu hogaanka u dhiibay Wolves ka dib markii uu kubad macaan ka dhaliyay Alisson laakiin goolka waxaa loo diiday offside dhacay ka hor taabashadii Toti.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, waxayna niyadjab ku tahay Liverpool oo kulan dheeri ah ciyaareyso madaama ku celiska kulankaan lagu dheeli doono garoonka Wolves.