Liverpool oo Dhadhamisay Guuldaradoodii Ugu Horeysay Xagaaga Ka Dib Kulankii Ay La Ciyaareen Borusia Dortmund

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa dhadhamisay guuldaradeedii ugu horeysay ee xagaagan iyadoo kooxdii hore ee Jurgen Klopp ee Borussia Dortmud ay 3-2 ku badisay kulankii saaxiibtinimo ee ka dhacay gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

Tababare Klopp ayaa 10 bedel sameeyay saacad markii ay socotay kulankii Notre Dame Stadium taasoo siiyay xiddigaha sida Virgil van Dijk iyo Jordan Henderson fursad ay ku ciyaaraan kulankoodii ugu horeysay ee xagaaga.

Waxaa jiray waqtiyo fasax loo qaadanayay inay ciyaartoyda biyo cabaan labadii qeyb ee ciyaarya madaama jawiga uu aad u kululaa.

Liverpool ayaa ku sii jeeda magaalada Boston oo cimiladeeda xoogaa qaboobanaan doonto marka ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Sevilla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here