Liverpool Oo Dhamaystirtay Heshiiska Szoboszlai Ka Hor Waqtiga Uu Albaabku Ka Xidhmayo

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai oo ay kala soo wareegayaan RB Leipzig, kaas oo albaabkiisu xidhmi lahaa marka la gaadho saqda dhexe ee caawa marka ay saacaddu tahay 23.59 CET.

Liverpool ayaa si fiican uga faa’iidaysatay waqtiga, waxaanay ku wargelisay RB Leizpig in ay bixinayso €70 milyan oo Euro oo u dhiganta £6 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaska laacibkani uu kula jiro, halka ciyaartoygana ay dhamaystireen heshiiskiisa shaqsiga ah sida tirada sannadaha iyo mushaharka ama gunnooyinka uu qaadan doono.

22 jirkan ayay Liverpool heshiiskiisa shaqsiga ay dhamaystirtay waqtigii lagu maqnaa kulamadii caalamiga ahaa ee toddobaad ka hor lasoo gabogabeeyey, waxaana hadda loo qorshaynayaa waqtiga uu marayo tijaabada caafimaadka.

RB Leipzig ayaa u sheegtay Dominik Szoboszlai in Liverpool ay burburisay heshiiskii ay kula jirtay, sidaas daraadeedna ay macasalaamaynayso saacado kooban gudaheed oo uu noqon doono ciyaartoy Liverpool ah.

Reds ayaa waxay saxeexa laacibkan ku garaacday Dominik Szoboszlai Newcastle United oo si weyn u doonaysay, waxaana uu caawa saqda dhexe noqon doonaa ciyaartoy rasmi ahaan uga tirsan Liverpool.

Xiddiga reer Hungary ee 22 jirka ah ayaa bandhig heersare ka samaynayay RB Leipzig tan iyo markii uu kusoo biiray. Xilli-ciyaareedkii 2022-23 ayuu dhaliyey 10 gool, 13 kalena uu caawiye ka noqday 46 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay.

Dominik Szoboszlai ayaa Liverpool ka xoojin doona boosas ay baahi weyn u qabtay oo uu tababare Jurgen Klopp si weyn u tebayay ciyaartoy xooggan oo uga ciyaara, kuwaas oo ah meelihii ay dhibaatooyinku ka jireen xilli-ciyaareedkii hore ee sababay inay kaalinta shanaad kaga dhamaystaan horyaalka Premier League.

Booska koowaad ayaa waxa uu yahay khadka dhexe oo uu yahay ciyaartoy hal-abuur badan oo boosas kala duwan oo dhaxda ah ka ciyaara, waxaana lagu tilmaamaa in uu qaab-ciyaareedka kala mid yahay Naby Keita iyo Thiago Alcantara.

Haddii ay iskaashadaan Alexis Mac Allister oo isagana ay Liverpool kala soo wareegtay Brighton xagagan, waxay abuuri karaan khad dhexe oo ay adag tahay in la jabiyo iyadoo uu tababare Jurgen Klopp dooran karo ciyaartoyga uu ku saddaxaynayo, si weerarkuna u ahaado saddex ciyaartoy.

Dominik Szoboszlai ayaa sameeya caawin badan marka loo eego ciyaartoyda khadka dhexe ee kooxda uu kusii jeedo ee Liverpool. 91 ciyaarood oo uu u saftay Leipzig tan iyo markii uu kaga soo biiray RB Salzburg, waxa uu caawiyey 22 gool, waxaana uu Liverpool ka heli doonaa fursado uu ku sameeyo caawin badan maadaama uu yahay xiddig indho furan oo kubbadaha si fiican u gaadhsiin karaya Mohamed Salah iyo Darwin Nunez.

Muddadii uu joogay RB Leipzig, waxa uu si fiican uga ciyaaray boosaska No.10, No.7 iyo No.11 oo uu waliba caawin iyo goolal ka sameeyey.

Booska kale ee uu Dominik Szoboszlai ka caawin karayo Liverpool inay horumar ka samayso waa dhalinta goolasha oo uu khatar ku yahay. 91 kulan oo uu u saftay Leipzig waxa uu u dhaliyey 20 gool, halka kooxdiisii hore ee RB Salzburg uu 26 gool u dhaliyey 83 kulan oo uu u saftay.