Liverpool Oo Garaacday Ajax Iskana Xaadirisay Wareega Xiga Ee Champions Legaue

0
25

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa guul raaxo leh ka gaadhay kooxda Ajax kulan ka tirsanaa wareega Group-yada.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay kooxda Ajax si fiican ku bilaabatay iyaga oo ka fiicnaa Liverpool isla markaas ku samaynayay fursado halis ah.

Liverpool ayaa iyada kaliya ku fiicnayd kubad haysashada iyaga oo Ajax u diiday kubada xilli ay ku dhibaatoonayeen in ay wax fursado ah sameeyaan.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ee ciyaarta ayay Liverpool u muuqatay kuwo bilaabay in ay hurdada ka kacaan iyaga oo halis galinayay Goolka Ajax.

Liverpool ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah isaga oo gool u badalay fursadihii ugu horaysay ee ay Reds heshay.

Reds ayaa ku dhawaatay in ay mar kale dhaliso goolka 2-aad laakiin xiddiga Darwin Nunez ayaa fursad cad ka khasaariyay kooxdiisa kana dhigi lahaa 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool toostay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Reds ku bilaaabatay si dar-dar leh waxana ay raadinayeen in ay ciyaarta ka dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan.

Darwin Nunez ayaa daqiiqadii 49-aad saxay khaladkiisii waxana uu kooxdiisa u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Liverpool oo u muuqatay kuwo doonayay in ay wakhti hore dilaaan ciyaarta ayaa bilowday in ay samayso fursado waali ah xilli ay ka faa’iidaysanayeen xiddigaha Ajax oo niyad jabay.

Daqiiqadii 51-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Harvey Elliott kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Liverpool ciyaarta ku hogaaminayso.

Wixii intaa ka dambeeyay Klopp ayaa saaray xiddigaha muhiimka u ah isaga oo u dhigtay kulanka Leeds United taas oo ka caawisay Ajax in ay fursado abuurto.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool gaadhay guul ay u qalantay isla markaas isaga xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka Champions League