Liverpool oo garoonkeeda Anfield barbro kula gashay Crystal Palace

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)- Liverpool oo garoonkeeda Anfield barbro kula gashay Crystal Palace, kaddib markii ay ku kala baxeen 1-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca labaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Crystal Palace.

Daqiiqadii 32-aad kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Wilfried Zaha, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Eberechi Eze.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

57 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa noqotay 10 ciyaaryahan, kaddib markii kaarka roosaha oo toos ah la siisay weeraryahankooda cusub ee Darwin Núñez.

Daqiiqadii 61-aad Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu gool qurux badan dhaliyay Luis Díaz oo caawin ka helay saaxiibkiis James Milner, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Crystal Palace, kaddib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Anfield.