Liverpool oo garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Manchester City

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)- Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Manchester City, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo Manchester City, ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddiga reer Massar ee Mohamed Salah waxaana goolkan ka caawiyay goolhaaye Alisson.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Manchester City oo ku soo booqatay garoonka Anfield, kaddib guuldarradan City oo kaalinta labaad ku jirta ayaa waxay 4 dhibcood u jirsatay hoggaamiyaasha horyaalka ee Arsenal.