Liverpool oo guul muhiim ah kaga soo gaartay Chelsea

0
277

Baladweyne(Radio Beerlula)- Liverpool ayaa guul muhiim ah kaga soo gaartay kooxda Chelsea garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Qeybta labaad ee kulankii la wada sugayay ee ugu adkaa toddobaadkan horyaalka Premier League ayaa lagu kala maray 0-2.

Daqiiqadii 14-aad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu Alexander-Arnold uu dhaliyay gool aad u qurux badan, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-1, iyadoo goolkan uu ka caawiyay Mohamed Salah.

30 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino ayaa 0-2 ka dhigay dheesha iyadoo caawinta goolkan uu yeeshay Andy Robertson.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeey qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad madaalaha reer France iyo kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa dheesha ka dhigay 1-2.

Laakiin ugu dambeyntii kulankii la wada sugayay ayaa ku soo idlaatay 1-2 ay guusha ku raacday kooxda martida ku aheyd garoonka Stamford Bridge ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here