Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Ah Kasoo Gaadhay Wolves

0
55

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul weyn oo soo laabasho ah kasoo gaadhay Wolves oo ay ku booqatay Molineux Stadium, waxaanay kaga soo adkaatay 3-1.

 

 

Wolves ayaa la hormartay gool uu daqiiqaddii 7aad u dhaliyey Hee-Chan Hwang, hase yeeshee waxa ka daba timid Liverpool oo qaybtii labaad dhalisay saddex gool oo mid ka mid ah ay difaaca Wolves goolkooda ku leexiyeen.

 

 

 

Ciyaar labadii qaybood ugu qaybsanayd labada kooxood ayay Brighton ka faa’iidaysan weyday fursado tiro badnaa oo ay heshay 45kii daqiiqadood ee ay ciyaarta maamulaysay oo ay kaliya dhalisay hal gool, dersin fursado ah oo kalena ay iska khasaarisay, laakiin Liverpool ayaa waxay qaybta ambe oo ay ciyaartu gacanteeda ku jirtay ay la saaxiibtay shabaqa Wolves.

 

Pedro Neto ayaa soo dumiyey dhinaca midig ee difaaca Liverpool, waxaana uu kubadda hor-dhigay goolka taas oo keentay in Hee-Chan Hwang uu shabaqa ku leexiyo, iyadoo goolhaye Alisson Becker uu la galay goolka oo ay isaga iyo kubadduba wada dhasheen.

 

 

Waxa uu nasiibku dhawr jeer diiday weeraryahanka reer Brazil ee Mathius Cunha oo kubadda kusoo burburiyey dhawr jeer difaaca Liverpool balse uu nasiibku diiday.

 

Liverpool ayaa qaybta labaad markii lagu soo laabtay waxay la wareegtay ciyaarta iyadoo uu tababare Jurgen Klopp markii lagu soo noqonayay garoonka soo raaciyey Luis Diaz oo beddelay Mac Allister oo aad u liitay.

 

Garabka weerarka Colombia ayaa firfircooni badan kusoo kordhiyey Liverpool, waxaana dib u fadhiistay difaacii Wolves ee soo guurayay iyadoo Jones uu usoo degay dhaxda dambe ee difaaca waardiyeynaysa.

 

Toban daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad ayuu Cody Gakpo goolka barbarraha u keenay Liverpool kaaddib kubbad uu ka helay Mohamed Salah oo caawiye ka ahaa saddexda gool ee ay kooxdiisu dhalisayba.

 

Iyadoo aanu dabbaal-degguba dhamaanin ayaa uu Klopp saaray weeraryahanka reer Netherlands ee Gakpo, waxaana uu sidoo kale saaray Diogo Jota isaga oo isasoo raaciyey Darwin Nunez iyo Harvey Elliott oo si dhab ah u beddelay ciyaarta.

 

Dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa kubbad uu soo laaday goolhayaha Wolves ee Jose Sa waxa badhtamaha garoonka kasoo qaatay Andy Robertson oo si degdeg ah ugu dhiibay Salah oo garabka midig taagnaa, waxaana uu xiddiga Masar kubadda usii dhiibay Andy Robertson oo orod ku galay xerada ganaaxa oo goolka ku hubsaday.

 

Liverpool ma aanay joojinin weerarka, waxaanay la yimaaddeen gool saddexaad oo ay kooxdu uga mahad-celisay Harvey Elliott oo kubbad uu ka helay Mohamed Salah darbad kulul ku qabtay, taas oo kusii dhacday difaaca Wolves ee Hugo Bueno oo goolkiisa kusii leexiyey, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-