Liverpool oo guul soo laabasho dirqi ah ka heshay Newcastle oo marti ugu ahayd garoonka Anfield

0
17

Liverpool ayaa guul soo laabasho dirqi ah ka heshay Newcastle oo marti ugu ahayd garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Newcastle United.

Daqiiqadii 38-aad ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Newcastle United.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin 61 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay weeraryahankooda Firmino, waxaana ka caawiyay goolka Mohhamed Salah.

90 + 8 Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 2-1 ka dhigay Fábio Carvalho, waxaana ka caawiyay Mohamed Salah.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ah ay kaga adkaatay, kooxda Newcastle United oo marti ugu ahayd garoonka Anfield.