Liverpool oo guuldarro la kulantay, Barcelona iyo Bayern oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

0
16

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Waxaa caawa la ciyaaray kulammo ka tirsan heerka guruubyada Champions League, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen kuwo kooxo waa weyn ay wada ciyaareen.

Barcelona ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay garoonkeeda Camp Nou, kooxda Viktoria Plzen, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-1, goolasha Barca waxaa u kala dhaliyay saddex gool oo Lewandowski ah, Ferran Torres iyo Franck Kessié.

Dhanka kale Kooxda Napoli ayaa dhulka ku jiiday Liverpool oo marti u ahayd, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, goolasha kooxda reer Talyaani waxaa u kala dhaliyay Piotr Zieliński, A. Zambo Anguissa, Giovanni Simeone, Khvicha Kvaratskhelia, halka Reds uu u dhaliyay Luis Díaz.

Yeelkeeda, kooxda Bayern Munich ayaa guul ka soo heshay Inter Milan oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, goolasha Bayern waxaa u dhaliyay Leroy Sané, iyo gool uu iska dhaliyay daafaca Inter ee Danilo D’Ambrosio.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A

Ajax 4-0 Rangers

Napoli 4-1 Liverpool

Group B

Atletico Madrid 2-1 FC Porto

Club Brugge 1-0 Bayer Leverkusen

Group C

Barcelona 5-1 Viktoria Plzen

Inter 0-2 Bayern Munich

Group D

Eintracht Frankfurt 0-3 Sporting CP

Tottenham Hotspur 2-0 Marseille.