Liverpool oo Anfield Barbaro Naxdin Leh Ka Heshay Man United

0
39

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Iyada oo barafkii la nadiifiyey oo in ka badan 60,000 oo taageere ahi ay tarabuunka ku sugnaayeen, Liverpool waxay ku bilaabatay si isku dheeli tirnaan leh kulankii ay wajahday United.

Reds waxay ahaayeen kooxda ku gacanta sareysay ciyaarta sidii la filayey, iyaga oo raadinayay in ay ka faa’iideystaan maskaxda kooxda Ruben Amorim oo maalmo buuq ah kujiray.

Fursadii ugu horeysay ayaa waxaa heshay Liverpool, Cody Gakpo, ayaa isku day wanaagsan sameeyay, laakiin waa laga hortagay shartiisa.

Andre Onana ayaa kubad qurux badan ka hor istaagay Alexis Mac Allister, oo doonayay inuu ka faa’iideysto karoos ka yimid Mo Salah, halka dhinaca kale Man United Amad Diallo uu ahaa xiddigii ugu halista badnaa caawa.

Liverpool ayaa soo gabagabeysay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo ka badbaaday kubadii ugu halista badneyd oo uu Rasmus Hojlund ula tagay goolhaye Alisson, 45-tii daqiiqo ee qeybta hore waxay ku dhamaatay 0-0.

United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay 7 daqiiqo gudaheed markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, qalad uu keenay Trent Alexander-Arnold ayaa u ogolaaday in ciyaaryahan Lisandro Martinez uu kubad karoos ah ka dhaliyo Liverpool.

Arne Slot ayaa si degdeg ah uga falceliyay goolka laga dhaliyay, waxaana ciyaarta kusoo biiray Diogo Jota iyo Darwin Nunez oo kasoo kacay kuriga keydka.

Cody Gakpo ayaa si dhaqso ah uga jawaabay Man United, isagoo dhaliyay goolka barbaraha ah ee Liverpool, ka hor inta Salah uusan rigoore ku dhalin goolka labaad ee Reds hogaanka ku qabatay.

Weeraryahanka Liverpool ayaa barbareeyay Thierry Henry oo ah gooldhaliyaha toddobaad ee ugu goolasha badan taariikhda Premier League.

Dhamaadkii ciyaarta Man United ayaa barbareysay iyadoo Amad Diallo uu shabaqa ku hubsaday kubad dhinaca laga soo baasay, waxaana guud ahaan ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here