Liverpool oo hoggaanka u qabatay raacdada loogu jiro saxiixa laacib si aad ah looga doonayo Premier League

0
287

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay haatan la wareegtay hoggaanka loollanka lagu baacsanayo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara naadiga Leicester City ee Youri Tielemans kaasoo kooxaha ku hardamaya ay doonayaan inay la wareegaan marka la gaaro suuqa xagaaga.

Tielemans ayaa ku jira 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa garoonka King Power Stadium, waxayna wararku sheegayaan inay Reds kaga horreyso loollanka loogu jiro saxiixiisa kooxaha Arsenal iyo Manchester City.

Sida laga soo xigtay wargeyska El Nacionalkooxda Macallin Jurgen ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato saxiixa 24-sano jirka reer Belgium haddii uu go’aansado suuqa xagaaga soo aaddan inuu ka hayaamo naadiga Leicester.

Tielemans oo 23 gool u dhaliyay kooxda lagu naaneyso Foxes ayaa taageere weyn ka heysta hoggaamiyaha Liverpool taas ayaana la sheegay inuu xiddigan door bidayo u dhaqaaqista Anfield in ka badan meelaha kale.