Liverpool Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Newcastle United.

0
186

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa rikoodh kale oo premier League ah marka ay la ciyaari doonto kooxda Newcastle United kulanka caawa premier League.

Reds ayaa marti galinaysa Newcastle United kadib markii ay badiyeen 7-dii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan kana mid yahay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kadib markii ay Aston Villa garaacday Sabtidii Liverpool ayaa gaadhay guusheedii 1,999 kadib 4,226 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Hadii ay Reds caawa garaacdo Newcastle United waxa ay gaadhi doontaa guusheedii 2,000 ee kubada cagta England waxana ay noqonaysaa kooxda ugu guulaha badan.

Rajada Liverpool ee gaadhista rikodhkaas ayaa ah mid aad u fiican marka loo eego in ay Liverpool badisay 20 ka mid ah 25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Newcastle United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here