Baladweyne ( Radio Beerlula )-War saxaafadeed ayaa xaqiijiyay in Liverpool aysan wax qorshe ah u lahayn inay ka tanaasusho xiddigeeda reer Netherlands Ryan Gravenberch, inkastoo tababaraha Real Madrid Xabi Alonso uu xiiseynayo saxiixiisa.
Shabakadda TEAMtalk ayaa sheegtay in maamulka Liverpool ay u arkaan Gravenberch inuu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda, isla markaana aysan xitaa ka fikirin iibintiisa, gaar ahaan kaddib bandhigyadii cajiibka ahaa ee uu sameeyay xilli ciyaareedkii hore, kuwaas oo Reds ku hogaamiyay hanashada horyaalka Premier League 2024/2025.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Alonso uu Gravenberch ka dhigtay mudnaantiisa koowaad ee Real Madrid, kadib markii uu si weyn ugu soo baxay kooxda tababare Arne Slot, isagoo noqday laf-dhabarta khadka dhexe. Waxaa sidoo kale la sheegay in Liverpool ay qorsheyneyso inay ku abaalmariso 23-jirkan heshiis cusub oo muddo dheer ah, si ay u xaqiijiso sii joogistiisa Anfield ilaa iyo in ka badan sanadka 2028.
Waxaa xusid mudan in Gravenberch uu si weyn u soo jiitay indhaha taageerayaasha kadib bandhiggiisii kulankii Merseyside derby ee ka dhanka ahaa Everton, halkaas oo weeraryahankii hore ee Ingiriiska Peter Crouch uu ku tilmaamay ciyaaryahanka ugu fiican Liverpool xilli ciyaareedkan – taas oo sii kordhisay xiisaha kooxaha waaweyn ee Yurub.


