Liverpool oo Laga Afduubtay Romeo Lavia

0
134

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa laga afduubtay xiddigii ay sida weyn u doonayeen ee ay dhawrka jeer ka gudbiyeen qiimeyaasha hoose, waxaana ka hor qaadaysa Chelsea oo mar kaliya dul-dhigtay dalab dhinac u ridaya mustaqbalka laacibkaas.

Liverpool ayaa raadinaysay ciyaartooyo khadka dhexe ah, gaar ahaan laacib buuxiya booskii uu banneeyey Fabinho ee kubbad-burburinta, kaas oo u wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad.

Reds ayaa laba jeer dalabhyo ay ka gudbisay Romeo Lavia waxa ay ka hooseeyeen qiimihii ay dalbanaysay Southampton oo ahaa £50 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa xalay dalab weyn oo ka sarreeya midka Liverpool ka gudbisay xiddiga reer Belgium kooxda Chelsea oo miiska saartay lacag waxyar ka hoosaysa inta ay dalbanayso Southampton, isla markaana ka badan lacagta ay Liverpool dhawrka jeer la shir  tagtay.

Chelsea ayaa waxay dul-saartay Romeo Lavia lacag dhan £48 milyan oo Gini, waana naadiga ugu dhow inuu buuxiyo shuruuddii ugu weynayd  ee ay la timaaddo Southampton.

Wariyaha wargeyska The Athletic ee David Orstein ayaa sheegay in Chelsea ay ka go’an tahay inay la saxeexato Lavia, wxaanay samaynayaan wax kasta oo u suurtogelinaya inay ka hor qaadaan Liverpool.

Chelsea ayaa waxay saxeexa Lavia u jeedsatay markii ay Brighton diidday inay kaga iibiso Moses Caicedo wax ka hooseeya  £100 milyan oo Gini.

Si kastaba ha  ahaatee, Liverpool ayey godkeeda biyo ugu galeen, waxaanay horyaalka bilaaban doonaan iyadoo ay bannaan tahay khadka dhexe ee kubbad-burburinta oo kulamadii saaxiibtinimo ee ay dheeleen ay si cad u muuqanaysay inay u baahan yihiin ciyaartoy buuxiya booska No.6.