Liverpool oo Loo Sheegay In Ay Iska Ilowdo Saxiixa Moises Caicedo, Sabab.

0
164

Baladweyne (Radio Beerlula)- Saxafiga Ben Jacobs ayaa sheegay in dadaalada Liverpool ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo ayna ku guulaysan doonin sabab la xidhiidha dhibaatooyinka wakiilkiisa.

Wariyaha caanka ah ee CBS Sports ayaa sheegay in Reds ay doonaysay saxiixa Caicedo iyada oo kooxdu aad ula dhacsantahay xiddiga xitaa ka hor intii uuna ku biirin Brighton.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu cadeeyay in kooxda Liverpool ay ku adkaan doonto in ay helaan saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha wakiilkiisa.

“Liverpool waxa ay muddo dheer aad ula dhacsantahay xiddiga xitaa ka hor intii uuna ku soo biirin Brighton laakiin xaalka haatan ayaa qasan”ayuu saxafigu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray, “Inkasta oo Brighton lagu qancin karo inay qiimo sare ku iibiso xiddiga suuqa January Laakiin xiddiga ayaa leh dhawr wakiil kadib markii uu badalay wakiilkiisa xagaagii ilaa haatana uuna xalin dhibaatada wakiilka”.

Sidoo kale waxa iska cad in ayna kooxda Brighton doonayn in ay iibiso xiddiga khadka dhexe maadama ay kooxdu ka rajo qabto in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysato boosaska loogu soo boxo yurub.