Liverpool oo Qaaday Talaabo Ay Ku Soo Xero Gilineyso Sofyan Amrabat

0
144

Baladweyne (Radio Beerlula)-IIlo wareedyo saxaafadda Ingiriiska soo xiganeyso ayaa sheegaya in Liverpool ay si dhab ah u dooneyso saxiixa xiddiga Fiorentina ee Sofyan Amrabat

Sofyan Amrabat ayaa si weyn uga dhex muuqday qaranka Moroco iyo koobkii aduunka  oo ay ku dhameysteen booska 4-aad iyadoo bandhig wacan uu ka sameeyay shaqada qadka dhexe

Wargeyaka Corriere dello Sport ayaa laga soo xigtay in maamulka Liverpool isla meel dhigeen dalab rasmi ah ah ay ka geyaan 26 sano jirkaan

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Liverpool diyaariyeen dalab gaaraya 40 milyan oo euro si laacibkaas u helaan inta suuqa jiilaalka uu furan yahay

Sidaas oo ay tahay , kooxda reer Italy ayaa laga yaabaa in ay dalbadaan aduun dhan 50 milyan taasi oo laga yaabo in ay caqabad keento.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli kooxo ay ka mid yihiin Atletico Madrid Barcelona , Sevilla iyo Tottenham ay ku soo biireen xiisaha laacibkaas reer Morocco.