Liverpool Oo Quus Galinaysa Barcelona Iyo Real Madrid

0
309

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay soo wado heshiis cusub oo ay ku difaacanayso xiddiga hoggaanka u ah weerarka kooxdeeda ee Mohamed Salah oo dhawaan lala xidhiidhiyay kooxo dhawr ah.

Salah ayaa soo ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Jurgen Klopp tan iyo markii uu kusoo biiray xagaagii 2017 isaga oo 104 kulan soo matalay tan iyo wakhtigaas 71 goolna usoo dhaliyay.

Mohamed ayaa haatan Reds kula jira heshiis ku eeg ilaa 2023 isaga oo saxeexay uun isla xagaagii hore balse kooxdiisa ayaa ka werwersan inuu ka tagi karo mustaqbalka dhaw haddii aysan xal deg deg ah keenin.

Sida haatan laga soo xigtay Sportsmole isla markaana ay sheegayaan ilo wareedyo Spain ka imanaya Liverpool ayaa doonaysa inay 27 jirkii hore ee AS Roma ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda Premier League.

Liverpool ayaa doonaysa inay Salah sanadkii jeebka ugu shubto mushahar dhan £22.4 Milyan taas oo ka dhigan inuu toddobaadkii heli doono £431 kun.

Mushaharkaas ayaa ah mid aad uga badnaan doona midka uu haatanka qaato kooxdiisa waxaana uu ka sarre mari doonaa xiddigha ugu mushaharka badan horyaalka haatan Kevin De Bruyne iyo Alexis Sanchez.

Hadal haynta heshiiskan cusub ayaa ah mid imanaysa kaddib markii ay dhawaan Salah xiiso u muujiyeen kooxo ay kamid ahaayeen Real Madrid iyo Juventus iyadoo Barcelona aysan meesha ka maqnayn.

Xiisahaas ka imanayay kooxahaas ayay Liverpool kaga jawaabtay 180 Milyan oo ay ku dalbatay xiddiga kooxdeeda kaas oo ka dhigay kuwo ka noqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here