Liverpool oo xaqiijisay xilliga ay dib ugu soo laaban doonaan Saalax, Firmino iyo Becker tababarka kooxda

0
359

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xiliga kama dambeysta ah ay markale dib ugu soo laaban doonaan tababarka xiddigaheeda kala ah Saalax, Firmino iyo  Alisson Becker, si ay ugu diyaar garoobaan xili ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa war rasmi ah ku baahisay Web site-keeda iyo boggageeda rasmiga ah sida Facebook iyo Twitter waxay ku xaqiijisay in saddexda xiddig ee Maxamed Saalax, Firmino iyo  Alisson Becker ay dib tababarka ugu soo laaban doonaan Isniinta soo socota.

Reds ayaa warbixinteedan rasmiga ah ku xaqiijisay in seddexda ciyaaryahan ee Salah, Firmino iyo  Alisson Becker ay kooxda kula bilaabi doonaan tababarkooda ugu horeeya dalka Faransiiska galabnimada Isniinta ee soo socota.

Liverpool ayaa u safri doona magaalada Évian ee dalka Faransiiska, si ay u dhameystiraan safarkooda ay isugu diyaarinayaan xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here