Lucas Paqueta Oo Ciyaaraha Laga Mamnuucayo Kaddib Dalabkii Ay Kasoo Gudbisay Man City

0
99

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Brazil ee Lucas Paqueta ayaa lagu bilaabay baadhitaanno adag oo sabab doona in laga mamnuuco ciyaaraha kubadda cagta, toddobaad kaddib markii uu tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola codsaday in loo keeno kubbad-sameeyahan si uu ugu beddelo Kevin De Bruyne oo dhawr bilood ku maqnaanaya dhaawac.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa la sheegay in uu baadhayo xiddiga reer Brazil oo lagu eedaynayo inuu ku kacay falal khamaar ah intii uu joogay West Ham.

25 jirkan oo ay Manchester City ku doonayso £70 milyan oo Gini ayaa la sheegay in uu ku socdo baadhitaanku, waxaana sidoo kale go’aan qaadatay Man City oo joojisay wada-hadalladii ay kula jirtay laacibkan.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in Lucas Paqueta uu waajahayo ganaax culus sababtoo ah waxa lagu tuhunsan yahay oo baadhitaannadiisu ay salka ku hayaan in uu sameeyey khamaarro kubadda cagta ah oo mamnuuc ka ah sharciga kubadda cagta.

Xidhiidhka kubadda cagta FA ayaa diiday in uu ka hadlo arrintan, hase yeeshee West Ham ayaa waxay go’aansatay in aanay laacibkan ka joojin garoomada inta ay natiijada baadhitaannadu soo baxayaan.

Hore waxa falkan oo kale loogu helay weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo muddo siddeed bilood ah laga mamnuucay ciyaaraha, waxaana uu laacibkaasi ka maqnaanayaa kooxdiisa Brentford illaa horraanta sannadka dambe.