Luis Diaz Oo Badbaadiyey Liverpool

0
63

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro waqti dambe ah ka tuugtay naadiga xaaladdu ku xun tahay ee Luton Town, waxaana badbaadiyey oo dhibic u keenay Luis Diaz oo dhamaadkii ciyaarta u dhaliyey gool, xilli uu xusay aabbihii oo ay wali haysato budhcad sheegtay inay sii deynayso.

Tahith Chong oo Manchester United ay u dirtay Luton ayaa Liverpool kaga nixiyey dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay, hase yeeshee Luis Diaz oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa kaddib toddobaad uu garoomada ka maqnaa oo uu la murugaysnaa afduubka aabbihii ayaa daqiiqaddii shanaad ee siddeed daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta, waxa dhaliyey goolka barbarraha ee Liveprool.

26 jirkan ayaa madax ku qabtay kubbad uu soo laaday Harvey Elliott, waxaana dabbaa-deggii uu lasoo baxay garankiisa oo ay ku qornayd farriin ahayd: “Aabbahay hala sii daayo.

Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ayaa helay fursado ay 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta goolal ku dhalin karayeen, laakiin waa ay khasaariyeen, iyadoo kooxdooduna lumisay laba dhibcood oo ay ku xoogsan lhaayd kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Shan arrimood ayaa laga diiwaangeliyey intii ay socotay ciyaartu, waxaanay ahaayeen sidan”

1. Soo laabashadii Diaz oo aabbihii afduuban yahay

Warka u wanaagsan Liverpool ee usoo yeedhay ka hor ciyaarta waxa uu ahaa soo-laabashada Luis Diaz oo go’aansaday inuu ciyaaro inkasta oo uu wali aabbihii maqan yahay. Laacibkan ayaa waxa aabbihii loo haystaa afduub ay ku qafaalatay koox ay dawladda Colombia ku dartay liiska argagixisada, balse waxa ay budhcaddaasi ballan-qaaday in ay sii deynayso iyagoo ku andacooday in ay ku qaldameen.

Diaz ayaa ka maqnaaday labadii ciyaarood ee Nottingham Forest iyo Bournemouth ee ay Liverpool guulaha soo hoysay.

2. Luton oo xoojisay fursaddeeda badbaadada

Luton oo ku dhibaatoonaysay kulamadeedii horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedka, waxa ay kasoo dallacday heerka casaanka kaddib dhibicdii ay ka xoogsadeen Liverpool.

Tababare Rob Edwards iyo ciyaartoydiisa ayaa helay niyad-wanaagsan oo ay shidaal uga dhigan karaan inta ka hadhay xilli-ciyaareedka si ay uga badbaadaan in ay heerka labaad u dhacaan.

3. Liverpool oo gol-jilicdeeda la helay

Isbeddelladii ay Liveprool samaysay wali sidii la filayay uma aanay shaqaynin inkasta oo ay guulo gaadhayeen. Difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold ee sida joogtada ah usoo gelaya khadka dhexe iyo Joe Gomez la geeyey dhinaca bidix si uu hal-abuur u noqdo waxay tahay isbeddel aan sidii loo baahnaa u shaqaynin.

59 boqolkiiba fursadaha ay heshay Luton waxay ka yimaaddeen dhinaca midig ee uu Liverpool uga ciyaarayay Alexander-Arnold, waxaana halkaas ka muuqata in gol-jilicda Reds ay tahay difaaca midig.

Difaaca Liverpool waxay ku dhibaatoodeen sidii ay u joojin lahaayeen Chiedozie Ogbene, waxaana Alexander-Arnold caawiyey Ibrahima Konate, halka Joe Gomez uu isaguna difaaca dhexe soo caawinayay.

4. Dhibaatooyinka haysta Klopp oo sii kordhaya

Tababaraha Liveprool ee Jurgen Klopp waxa uu haystaa dhibaatooyin isasoo taraya iyo walaac dhinaca natiijooyinka horyaalka Premier League.

Reds waxay guuleysatay laba ciyaarood oo ay marti ahayd xilli-ciyaareedkan oo dhan, markoodii ugu dambeeyeyna waxay ahayd September 16. Labadan guulood waxay kasoo gaadheen Newcastle iyo Wolves oo ay goolasha waqti dambe ka dhaliyeen, waxaana Jurgen Klopp laga doonayaa in uu xal u helo kulamada ay kooxdiisu martida tahay.