Luka Modric oo Iska Diiday In Uu Mar Kale Ka Garab Ciyaaro Cristiano Ronaldo

0
197

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday fursad uu ku noqon lahaa xiddigii ugu dambeeyay ee ku biira kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia.

Inkastoo uu 37 sano jirsaday horaantii xilli ciyaareedkan, Modric ayaa weli boos joogto ah ka haysta kooxda Real Madrid waxana uu ilaa haatan kooxda u ciyaaray 18 kulan oo La Liga iyo champions League ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda mustaqbalka xiddiga iyada oo heshiiskiisa kooxda ee haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kala cadeyn la’aanta xaaladaas ayaa imaaneysa xilli Real la sheegay inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham.

Sida laga soo xigtay Marca, Luka Modric ayaa dalab ka helay kooxda Al-Nassr ee ka ciyaarta horyaalka Saudi Arabia iyada oo kooxdu doonayso in ay ka garab ciyaarsiiso Ronaldo.

Laakiin wargayska ayaa sheegaya in uu Modric iska diiday ku biirista horyaalka Suadi Arabia waxana uu go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa Real Madrid.

Modric ayaa dareensan in uu wali ka ciyaari karo horyaalada ugu adag adduunka isla markaas doonayo in uu ka sii ciyaaro heerka ugu sareeya ee kubada cagta.