Maado ku jirta bariiska oo laga digay

0
144

Baladweyne  ( Radio Beerlula )-Bariiska ayaa ah cuntada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan balaayiin qof oo dunida ku nool, dadka qaarkiisna ay u isticmaalaan xitaa si ka badan qamadiga iyo galleyda, balse cilmi baaris cusub ayaa daaha ka qaaday in qiyaasta maaddada halista ah ee Arsenic ee bariiska ku jirta ay kordhi karto isbedelka cimilada darteed.

Haddii aad u itsicmaasho bariiska nooca Biryani ama Pulao oo aad cuntid bariis ugu yaraan laba ama saddex jeer usbuucii, markaa maqaalkani adiga ayuu kugu saabsan yahay.

Saynis yahano ayaa daaha ka qaaday daraasad cusub oo ku saabsan bariiska: Marka qiiqa kaarboonka iyo heerkulka caalamku kor u kaco, sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay kor u kacaan qadarka walxaha arsenic ee bariiska ku jira taasoo sababi karta cudurka kansarka.

Cilmi-baarayaashu waxay ku qiyaaseen in kororka heerka arsenic ee bariiska uu keeni karo kororka kiisaska cudurka kansarka ilaa 20 milyan gudaha dalka Shiinaha oo keliya waxa ayna intaa ku dareen in dunida inteeda kale halis ugu jiraan cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here