Maali oo yeelatay dastuur Cusub oo awoodo dheerad ah siinaya madaxweynaha

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dawladda Milatariga ah ee Mali ayaa dhaqan galisay datuurka cusub oo awoodo dheeraada siinaya Madaxweynaha iyo Ciidamada.

Dastuurka cusub ayaa sidoo kale abuuraya Aqalka Odayaasha, wuxuna hoos u dhigayaa luuqadda faransiiska oo awal ahayd luuqadda rasmiga ah ee shaqada.

Mali tan 2020 kii waxa xukumayay Golaha Sare ee Miltariga.

Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ayaa cambaareyay isbadallada dhacaya, inkastoo Guddiga Doorashooyinku sheegayo in 97% loo codeeyay aftida dastuurka ee la qabtay bishii la soo dhaafay.

Dadka dhaleeceynaya isbadalladan ayaa tilmaamaya, in tani u fududeyn doonto janaraallada wadanka xukuma inay ka baxaan balantoodii ahayd, inay xukunka ku wareejinayaan hoggaamiyayaasha rayidka kaddib doorashada la filayo inay dhacdo February 2024.

Dastuurka cusub ayaa ka dhigaya Madaxweynaha KMG ah Col Assimi Goïta mid ku amar taagleyn kara siyaasadda dawladda, isagoo kala diri kara Barlamaanka.

Kiiska sharci ee leh waa in waxba kama jiraan laga soo qaadaa aftidii dastuurka loo qaaday, maadaama aan wadanka oo dhan laga qaban ayaa waxa diiday Maxkamada Dastuuriga ah ee Mali.