Maalinta Caalamiga ah badbaadinta bukaanka oo maanta dunida laga xusayo

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sanadkasta marka lagaaro 17-ka September maanta oo kale waxaa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Badbaadada Bukaanka taasi oo ah Maalin ay Qaramada Midoobay iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) u asteeyeen.

Ujeedka xuska maalintan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay badbaadada bukaanka marka la adeegayo.

Mawduuca sanadkan 2025 waa: “Technology and Safety in Patient Care” – taasoo diiradda saaraysa sida tiknoolajiyadda iyo tababarka caafimaadka loogu adeegsan karo ilaalinta nolosha bukaanka.

Soomaaliya wexey kamd tahay dalalka caqabadaha caafimaadka uu ka jiro waxaana sabab u ah qalab yari ,dhaqaatiir kooban,adeegyo caafimaad oo aan ku filnayn bulshada inkasta oo aay jiraan dadaallo la taaban karo.

Carruurtu waxay sidoo kale wajihi karaan caqabado dheeraad ah oo la xiriira duruufaha dhaqaale iyo bulsho, sida in aysan helin daryeel caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here