Baladweyne(Radio Beerlula)-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 26-kii bishii November sannadkii 2007-dii meel mariyay in guud ahaan dunida looga dabal dego sannad kasto maalinta cadaalada bulshada adduunka iyadoo la soo bilaabo sannadkii 2009-kii.
Cadaalada ayaa udub dhaxaad u ah wada nolosha iyo wada jirka bulshada taasoo horseeda in la gaaro ammaan, barwaaqo iyo horumar, dunida oo dhan ayaa maanta looga dabal degay maalinta cadaaladda bulshada adduunka oo ku began 20-ka bisha feberaayo.
Gudoomiyaha maxkamada gobolka Hiiraan C/raxiin Muxumad Taakooy ayaa ka waramaya ahmiyada maalintan iyo sida ay ugu hadaalad falaan bulshadda
Cilmi Xaaji Cumar Oo kamid ah odayaasha dhaqanka Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay kaalina odayaasha ay ku leeyihiin ilaalinta cadaalada
Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo cadaalada
Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim