Maalinta Caalamiga ah ee afka hooyo oo maanta dunida laga xusayo

0
156

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 17-kii bishii November sannadkii 1999-kii ogoladay maalinta afka hooyo, iyadoo dabal dega maalinta ay soo bilaabatay sannadkii 2002-dii, waxana hadafka loo sameyay ay tahay wacyigelinta luuqadaha, kala duwanaanta dhaqanka iyo kor u qaadida luuqadaha.

Maalintan ayaa sannad kasta la xusa 21-ka Feberaayo oo maanta ku began si bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda afka Hooyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Xildhibaan Abuukar Xasan Abuukar iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Cumar Dhaqane ayaa Radio Beerlula si wadajir ugu warbixiyay Waxyaabihii ay ka qabteen Horumarinta Afka Hooyo iyo muhiimada ay leedahay in la xuso maalintaan.

Gudoomiye Ururka Bulsho Kalkaal Xasan Xusee Yaxye Xasan Muuqaal ayaa Radio Beerlula ayaa ka warbixiyay doorka ay ka qaataan ka urur ahaan Horumarinta Afka Hooyo.

Qaar kamid ah Barayaasha dhiga Afka Hooyo ee iskuulada ku yaalo Baladweyne ayaa Radio Beerlula ugu waramay sida ay ardayda u baraan Afka Hooyo iyo sida lagu horumarin ķaro.

Fikradda lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxay ahayd hindisaha Bangladesh, Waxaa lagu ansixiyay shirkii guud ee UNESCO 1999
UNESCO waxa ay aaminsantahay muhiimada kala duwanaanshaha dhaqameed iyo luqadeed ee bulshooyinka waara, Waxa ayna ku jirtaa waajibaadkeeda nabadda iyo inay ka shaqeyso ilaalinta kala duwanaanshaha dhaqamada iyo luqadaha soo kobcaya dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kale.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here