Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta oo maanta laga xusayo dunida

0
164

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 15-kii December sannadkii 2020 si rasmi ah u meel mariyay qaraarka lagu aas-aasay maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta, taasoo sannad kasta la xuso 12-ka bisha May oo maanta ku beegan.

Maalintan ayaa loo aasaasay si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda ilaalinta caafimaadka dhirta si loo dhammeeyo gaajada, loo yareeyo saboolnimada, loo ilaaliyo deegaanka, isla markaana loo kobciyo horumar dhaqaale.

Dhirta waa tiirka nolosha. Waxay soo saaraan oksijiinta aan neefsanno, waxayna bixiyaan ilaa 80% cuntadeenna. Balse caafimaadka dhirta waxaa halis gelinaya cayayaanka, cudurrada dhirta ku dhaca iyo isbeddelka cimilada.

Halkudhigga sanadkan ayaa Caafimaadka Dhirta, Cunnada iyo Qorshaha Dhulka, Waa baaq loo dirayo dowladaha, beeraleyda, cilmi-baarayaasha iyo dhammaan muwaadiniinta si loo ilaaliyo dhirta.

Ilaalinta caafimaadka dhirta waxay gacan ka geysan kartaa, Yaraynta adeegsiga sunta beerta., Ilaalinta kala-duwanaanta nooleed iyo deegaanka, Kordhinta ganacsiga iyo suuqyada caalamiga ah iyo Adkeysiga isbeddellada cimilada.

Agasimaha maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Hirshabelle Abubakar mohamed Hilowle ayaa sharaxaya ahmiyadda maa.

Sanad kasta, ilaa 40% dalagyada cuntada caalamka ayaa halaaba sababo la xiriira cudurro iyo cayayaan, taasoo dhaqaalaha adduunka ka khasaarisa in ka badan $220 bilyan. Dalalka soo koraya, khasaarahani wuxuu keenaa cunno yari iyo saboolnimo sii kordheysa.

waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here