Maalinta caalamiga ah ee dhiig bixinta Adduunka oo maanta dunida laga xusayo

0
105

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maalinta Dhiig Bixinta Adduunka waxaa la qabtaa 14-ka Juun sanad walba.

Munaasabadan ayaa waxaa markii ugu horeysay la qabtay sanadkii 2004, waxaana si wada jir ah u abaabulay Ururka Caafimaadka Adduunka, Xiriirka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas si kor loogu qaado wacyiga baahida loo qabo in dhiig la helo, wax soo saarka dhiiga, iyo in looga mahadceliyo dhiig bixiyaasha dadaalo naf badbaadin ah ee ay sameeyeen.

Sanadkan hal ku dhiga maalintan caalamiga ah waxay tahay “Bixi dhiig, si aan nolol u wadaagno” waxaana looga gol leeyahay marwalbo bad baadinta bukaanada dhiiga u baahan ayadoo la bixinaayo dhiig deeq ah oo aan wax lacag lagu qaadaneyn.

Dalkeena nidaamka deeq bixinta dhiiga ama keydinta dhiiga waa mid aan hormarsaneyn sidoo kalena shacabka siweyn uguma baraarugsano bixinta dhiiga in nolol lagu bad baadin karo,

Agaasime ku xigeenka isbitaalka Shacab Baladweyne Ibraahim Cismaan Diiriye ayaa Radio Beerlula uga waramay baahida loo qabo in la helo bangi lagu keeydiyo dhiiga iyo sida ay u maareeyaan isbitaalada Baladweyne bukaanada ubaahan dhiiga

Qaar kamid ah bulshada Baladwene ee bixiya dhiiga ayaa Radio Beerlula uga waramay caqabadaha ay la kulmaan marka dhiigooda ay ugu deeqayaan qof bukaan ah

Sheek Xamsa Yuusuf oo kamid ah culimada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa diinta islaamka ay ka qabto in qofka bukaanka ah dhiig loogu deeqo si loo bad baadiyo

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim