Maalinta Caalamiga ah ee qoyska oo maanta dunida laga xusayo

0
121

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xuska maalinta Caalamiga ah ee Qoyska ayaa si rasmi ah loo bilaabay sannadkii 1994, ka dib markii Qaramada Midoobay uu sannadkii 1993-dii si rasmi ah u aqoonsaday muhiimadda qoyska ee horumarka bulshada taasoo sannad kasta loo dabal dego 15-ka May oo maanta ku began.

Qoyska ayaa ah udub-dhexaadka bulshada, waana meesha ugu horreysa ee lagu barbaaro, lagu helo jacayl, nabad, iyo barbaarin.

Hadafka maalinta ayaa ah kor u qaadidda fahamka muhiimadda qoyska ee horumarka bulshada ,dhaqaalaha, xoojinta siyaasadaha qoyska lagu taageerayo, sida caafimaadka, waxbarashada, iyo nabadda.

Qoyska Soomaaliyeed ayaa leh taariikh iyo dhisme qoto dheer , sida In la taageero waalidiinta si ay u helaan fursado dhaqaale iyo waxbarasho, In la sameeyo barnaamijyo warbaahineed oo kor u qaada wacyiga qoyska, In la dhiirrigeliyo wada-hadalka gudaha qoyska iyo xalinta khilaafaadka, iyo In carruurta la siiyo barbaarin isku dheelli tiran oo ka tarjumaysa diinta iyo dhaqanka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here