Maalinta caalamiga ah ee waalidka oo maanta dunida laga xusayo.

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sanadkasta marka la gaaro 1-da Juun maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Waalidka kadib markii Qaramada Midoobay ku dhawaaqday in la xuso maalinta sanadkii 2012, si dunidu u qirto kaalinta muhiimka ah ee waalidiintu ka qaataan nolosha ubadka,

Maalintan ayaa loogu tala galay in dadka lagu xasuusiyo in waalidiinta ay tiir u yihiin nolosha qoyska maadama aay na barbaariyeen isla markaana ay nagu hageen mustaqbal wanaagsan.

Waalidiintu waxay carruurta siiyaan jacayl, hagitaan, iyo akhlaaq, taasoo aasaas u ah Waalidka Soomaaliyeed.

Hooyadu waa udub-dhexaadka nolosha qoyska waxay qaadaa masuuliyadda korinta, barbaarinta, iyo xannaaneynta ubadka halka Aabbuhu uu intabadan qaado masuuliyadda dhaqaalaha, ammaanka, iyo magac-dhowrka qoyska.

Ilmaha Soomaaliyeed waxaa lagu barbaariyaa in ay ixtiraamaan waalidka, kuna dhaqmaan amarkiisa maadama lagu barbaariyay diin, dhaqan, xishood iyo adeecid.

Agaasimaha Guud Ee wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul isaanka Maamulka Hirshabelle Marwo Iqro Cumar Maxamed ayaa ka warantay qorshaha wasarada ka ledahay doorka walidiinta.

 

Yaxye macalin yacquub oo ka mid ah culimada magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay kahmiyada aay diinteena siisay walidiinta.

Qaar ka mid ah dhalinyarada magalada Baladweyne ayaa shegay in walidkoda uu door muqdo ku leyahay noloshoda iyagoo dhalinyarada kale ugu baaqay in walidka laga duceysto.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here