Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka oo maanta dunida laga xusayo

0
86

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka waxa sanad kasta dunida laga xusaa 1-da October Maalintaani ayaa lagu muujiyaa qiimaha iyo kaalinta waayeelku uu ku leeyahay bulshooyinka, iyadoo si gaar ah loogu xusuusiyo baahida loo qabo ilaalinta xuquuqdooda, caafimaadkooda iyo sharaftooda.

Go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee 14-kii Diseembar 1990, ayaa lagu ansixiyey in 1-da October loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka, waxaana markii ugu horreysay la xusay sannadkii 1991. Tan iyo markaas, dalalka caalamka ayaa sannad walba u dabaaldega maalintan, iyagoo diiradda saaraya wacyigelinta iyo horumarinta nolosha waayeelka.

Waayeelku waa laf-dhabarta bulshada iyo kayd aqooneed oo aan la ilaawi karin iyagoo leh khibrad, talo iyo hanti dhaqan oo muhiim u ah dhismaha iyo sii jiritaanka bulshada.

Xuska maalintani wuxuu dadka ku baraarujinayaa in la Ixtiraamo , la daryeelo , la maamuuso waayeelka taasi oo ah fursad lagu muujiyo in waayeelka aysan ahayn dad la iska indha tiro ee ay yihiin tiir-dhexaadka dhaqanka, diinta iyo nabadaynta bulshada.

Dunida maanta waxaa ku nool in ka badan 800 milyan oo waayeel ah, waxaana la saadaalinayaa in tiradoodu laban laabanto sanadaha soo socda. Taasi waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo daryeel iyo qorshayaal waxtar leh oo lagu taageerayo bulshada sii gabowday.

Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Hirshabelle Muhudiin Cali Mohamoud ayaa ka waramay Muhiimada ilaalinta Waayeelka iyo waxa ugu qorsheeysan.

Dharkhtarka Guud Maxamed Dhaqane Caroone oo kamid ah Dhaqaatiirta ka howl gasha Cusbitaalka Hilaal Ayaa Radio Beerlula uga waramay Xanuunada inta ku dhaca waayeelka iyo sida ay ula tacaalaan.

 

Xoghayaha Ururka Kaalmee walaalkaa Bishaar Cabdi Aadan Ayaa Radio Beerlula uga waramay ka Urur ahaan waxyaabaha ay ka qabteen Arrimaha Waayeelka

Sheekh Xamsa Nuur oo kamid culimada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimadda aay leedahay in la ixtiraamo waalidka

Maalinta Caalamiga ah ee Waayeelka waa maalin lagu xuso waayeelka oo lagu muujiyo muhiimadda ay ku leeyihiin bulshada. taasi oo lagu dhiirrigeliyo dowladaha, ururrada bulshada iyo qof walba inuu ka qayb qaato ilaalinta xuquuqda waayeelka iyo kobcinta noloshooda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here