Maalinta caalamiga ah ee xirfadaha dhalinyarada Adduunka oo maanta dunida laga xusayo.

0
140

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa shirkiisii Guud ee bishii Nofeembar sannadkii 2014, ku dhawaaqday in sannad kasta 15 Luulyo oo maanta ku beegan dunida looga dabal dego maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka, si loo muujiyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee ay leedahay in dhallinyarada lagu qalabeeyo xirfado shaqo, shaqo hufan iyo hal-abuur ganacsi.

Maalintan ayaa lagu muujiya awooda dhalinyarada, duruufaha dhanka shaqada iyo sidii loogu baraarujin lahaa dhalinyarada inay bartan xirfadaha farsamada gacanta.

Mawduuca Maalinta Xirfadaha Dhallinyarada Adduunka ee sannadkan 2023 ayaa ah doorka Xirfadlayaasha macallimiinta, tababarayaasha iyo dhalinyarada mustaqbalka isbeddelka leh. ay ka ciyaari karan siinta xirfado dhalinyarada si ay ugu gudbaan suuqa shaqada iyo inay si firfircoon uga qayb qaataan waxqabadka bulshadooda.

Horumarka tignoolajiyada iyo isbeddelka dhaqdhaqaaqa suuqa shaqada ayaa kaalin ka qaatay in dhalinyaro badan ay abuurtan xirfado ay ku shaqeystan.

Dhalinyaro badan oo ku nool dalkeenna oo qaarkood dhameeyay heerarka kala duwan ee waxbarashada ayaa wajahaya shaqo la’aan baahsan inkastoo sannadihii la soo dhaafay ay kordheen dhalinyarada ku shaqeysta xirfaddaha farsamada gacanta.

Axmed Maxamed Yuusuf Afhayeenka ururka horumarinta dhalinyarada isxilqaan ee Baladweyne ayaa akwaramaya ahmiyada maalintan isaga oo dhalinyarada ugu baaqay in ay abuurtaan xirfado

Sheekh Xamsa Yuusuf oo kamid ah Culimada Baladweyne ayaa tilmaamay in diinta ay qabto in dhalinyarada xirfado wanaagsan layimaadaan.

Macalin Maxamed Cabdi Aadan oo dhalinyarada baro Cilid bixinta agabka electronica noocyadooda kala duwan ayaa kawaaramaya qaabka uu wax u baro

Qaar kamid ah dhallinyarada la baro xirfadaha iyo kuwa horey ubartay ayaa kawaramaya waxa ay uga dhigantahay maanta.

In ka badan 74 malyan oo dhalinyaro ah oo da’dooda ay u dhaxeyso 15-24-jir ah ayaa wajahaya shaqo la’aan, basle waxaa la rajeynaya inay kordhan tirada dhalinyarada shaqeysa marka la gaaro 2050-ka.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.