Maalinta caalamiga ee Afka Hooyo oo maanta dunida looga dabal degay.

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha guud ee qaramada midoobay 17-kii bishii November sannadkii 1999-kii ogoladay maalinta afka hooyo, iyadoo dabal dega maalinta ay soo bilaabatay sannadkii 2002-dii, waxana hadafka loo sameyay ay tahay wacyigelinta luuqadaha, kala duwanaanta dhaqanka iyo kor u qaadida luuqadaha.

Maalintan ayaa sannad kasta la xusa 21-ka Feberaayo oo maanta ku began si bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda afka Hooyo.

Cabdulaahi Xasan Aadan oo kamid ah macalimiinta dhiga luuqada afka hooey ee Soomaaliga kana mid ah macalimiinta Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimada maalintan iyo qaabka uu ardayda u baro afka hooyo.

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa ay uga dhigantahay maalintan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.