Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guud ahaan dunida 20 Febraayo sanadkasta maanta oo kale ayaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Caddaaladda bulshada.
Maalinta Cadaaladda bulshada ayaa looga gol leeyahay in lagu muujiyo baahida loo qabo in kor loo qaado caddaaladda bulshada, taas oo horseed u ah dadaallada wax looga qabanayo arrimaha saboolnimada sinnaan la-aanta jinsiga, shaqo la-aanta, xuquuqda aadanaha, iyo ilaalinta bulshada.
Mahad Maxamad xasan wasiirudowalaha Wasaaradda Caddaaladda hirshabelle ayaa ka hadalay waxa ay kala socdaan Maalin taan iyo waxa ay uqabtaan Caddaaladda Bulshad.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada labaad ee Gobolka Hiiraan Ismaciil Xasan shiiq Barre ayaa ka waramaya sida ay u shaqeeyaan iyo xukunadii ay rideen sanadkii la soo dhaafay
Gudoomiyaha ururka dhallinyarada isxilqaan ee Baladwyne Daadir Cali Yare
Ayaa ka waramaya cadaaladda ay helaan bulshada iyo ka u arur ahaan doorka ay ka qaataan
Qaar ka mid ah bulshada magaalada Baladweyne ayaa ka waramaya sida ay u arkaan in si Caddaalad ah Bulshada wax loogu Qabto.
26 Noofambar 2007, Golaha Guud wuxuu ku dhawaaqay in, laga bilaabo kalfadhiga saddex iyo lixdan ee Golaha Guud, 20 Febraayo loo dabaaldegi doono sannad kasta
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen


