Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maalinta Dhiig Bixinta Adduunka waxaa la qabtaa 14-ka Juun sanad walba.
Munaasabadan ayaa waxaa markii ugu horeysay la qabtay sanadkii 2004, waxaana si wada jir ah u abaabulay Ururka Caafimaadka Adduunka, Xiriirka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas si kor loogu qaado wacyiga baahida loo qabo in dhiig la helo, wax soo saarka dhiiga, iyo in looga mahadceliyo dhiig bixiyaasha dadaalo naf badbaadin ah ee ay sameeyeen.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Dahir Waaneey.