Maalinta haweenka adduunka oo maanta dunida laga xusayo

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Laga soo bilaabo sannadkii 1977-dii waxaa sannad kasta 8-da bisha Marso dunida looga dabal dega maalinta haweenka Adduunka kadib markii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay uu ansixiyay maalintan sannadkii 1975-tii.

Maalinta haweenka Adduunka ayaa lagu soo bandhiga guulaha ay gareen haweenka gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, siyaasadeed, daryeelka caafimaadka, hal abuurka, waxbarashada, hogaaminta iyo arrimaha bulshada.

Haweenka Aduunka gaar ahaan kuwa dalkenna ayaa door muhiim ah ka qaatay mareynta nolol maalmeedka qoyska, waxbarashada, iyo la dagaalanka cudurka karoonka feyris.
Saddexdii haween ah mid ka mid ah ayaa la sheegay inay la kulman rabshadaha ku saleysan jinsiga, sidoo kale haweenka ayaa la sheegay inay caqabad kala kulman helista shaqooyinka.

-Isku duwaha wasaarada Haweenka iyo xuquuqul insaanka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan Shamso Ciise Aadan ayaa Radio Beerlula uga warantay muhiimada maalintan

Qaar kamid ah haweenka Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay horumarka ay ka gaareen sanadkii lasoo dhaafay dhinacyada Tiknoolajiyada waxbarashada ganacsiga iyo waxa ay uga dhigantahay maalintan

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.