Maalinta Xaquuqul insaanka oo laga xusay Baladweyne

0
247

Baladweyne (Radio Beerlula)-Munaasabadan oo lagu qabtay magaalada Baladweyne isla markaana lagu  xusay maalinta xuquuqul isnaanka oo ku beegan 10 desember waxaa ka qebgalay ururada bulshada rayidka  ardayda jaamacadaha  xubno katirsan wasaarada Haweenka iyo  qeeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Faraxaan Cumar Carte oo munaasabadan soo qaban qaabisay ayaa ka wabixisay muhiimada xuska maalinta xuquuqul insaanka.

Xubnaha ka qeebgalay munaasabadan ayaa sheegay in muhiim ay tahay xuska maalinta xaquuqul insaanka.

Agaasimaha guud ee wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Doowlad goboleedka Hirshabelle Deeqo Isaaq Kaabeer   oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaarada ay ku daali doonto ilaalinta xuquuqul aadanaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here