Maalqabeenka Elon Musk oo ka tegaya shaqadii uu Trump u magacaabay

0
203

Baladweyne ( Radio Beerlula )-BIlyaneerka Elon Musk ayaa bartiisa bulshada X ee hore loo oran jiray Twitter kaga dhawaaqay in uu ka tagayo shaqadii uu u magacaabay Donald Trump, oo ah xubinamada guddiga kharashka dhimista ee Mareykanka.

Musk ayaa sheegay in waqtigii loo qorsheeyay ee ahaa in uu ahaa shaqaale dowladeed oo gaar ah uu dhamaaday, waxaana uu uga mahadceliyay Trump fursada uu siiyay.

Waxaa uu gacan weyn ka geystay olole ballaaran oo lagu dhimayo baaxadda tirada shaqaalaha ee dowladda Mareykanka islamarkaana kumanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda shaqada laga ceyriyay.

Arintan ma aha mid lama filaan ah, waxayna ku soo beegantay maalin un ka dib markii uu Elon dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee agendaha Trump.

Waxaa uu kaalin weyn ka qaatay isbedellada uu maamulka Trump ka waday Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here