Maalqabeenka Michael Saylor, oo iibsatey Bitcoin

0
123

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda Strategy, oo uu hoggaamiyo maalqabeenka Michael Saylor, ayaa markale iibsatey Bitcoin badan, waxaanay kaydkooda kusoo kordhiyeen 6,911 Bitcoin, taas oo u dhiganta $584 milyan. Talaabadan ayaa timid xilli suuqa lacagaha digital-ka ah uu sare u kac sameeyay kadib markii Madaxweyne Donald Trump dib u habeeyay siyaasaddii Mareykanka ee ku wajahneyd crypto-ga.

Michael Saylor, oo horey loogu yaqaanay madaxa shirkadda MicroStrategy (oo hadda magaceeda loo beddelay Strategy), ayaa muddo dheer aaminsanaa in Bitcoin ay tahay hanti mustaqbal leh. Shirkaddiisu waxay hadda leedahay in ka badan 500,000 oo Bitcoin ah, taas oo noqonaysa rikoodh cusub oo u gaar ah hal shirkad. Guud ahaan wuxuu leeyahay 2.4% Bitcoin ta.

Warbixin rasmi ah oo laga helay hay’adda SEC ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in shirkaddu ay iibsatay lacagahaasi inta lagu jiray hoos u dhaca suuqa. Iibsigan cusub wuxuu kor u qaaday qiimaha guud ee hantida Bitcoin ee shirkadda ilaa $44.2 bilyan, iyadoo celceliska qiimaha iibsigu ahaa $66,607 halkii Bitcoin.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii Madaxweyne Trump uu la wareegay talada, maamulka cusub uu si degdeg ah uga shaqeeyay sharciyo u wanaagsan ganacsiga crypto-ga, oo dhiirrigelisay maalgashadeyaal badan. Inkastoo suuqu bilihii u dambeeyey hoos u dhac la kulmaayey, hadana shirkadhaa waawayn marwalba waxay ka faa’iidaystaan xiliga suuqu hoos u dhaca ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here