Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka wasaaradda Arimaha guddaha maamulka Hirshabeelle cabdi daahir Guure ayaa xilka ukala wareejiyay maamulkii hore ee degmada Mahadaay iyo maamulka cusub ee degmada oo aay doorteen Golaha Degaanka Degmada Mahadaay.
Munaasabadda uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee degmada Mahadaay Axmed xuseen afrax ayaa waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle,Gudoomiyaha hore ee degmada Mahadaay salaax wiish iyo qaar kamid ah Bulshada ku nool degmadaasi.
Warkan waxaa inoo hay Cabdimajiid Aweeys Isaaq.