Maamulka degmada Baladweyne oo gaadiidleyda ku amray inaysan gaadiidkooda dhigan hareeraha wadada laamiga

0
268

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa oo u waramay radio Beerlula ayaa ku amray gaadiidleyda magaalada Baladweyne inaysan gaadiidkooda dhigan hareeraha wadada laamiga taasoo cabasho badan ay ka muujiyeen ganacsatada wartada ee ku ganacsada hareeraha wadada laamiga.

Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa ku amray laamaha ammaanka inay talaabo ka qaadan dadka gaadiidka dhigta hareeraha wadada laamiga islamarkana ay ganaxan.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyaan nabad galyada.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here